Golaha midnimada soomaaliyeed ee Finland oo cusbooneysiinaya Home Page-kooda
Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland wuxuu dib u cusbooneysiin ku sameeyay homepegka si uu u haqabtiro baahida xubnahiisa iyo hayädaha ay xiriirka leeyihiin ee ka hawlgala wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba. Homepagekan cusub waxaan kusoo gudbin doonaa soomaalida Finland waxyaabaha cusub ee khuseeya. Waxaanu dooneynaa sidaa oo kale in aanu kula xariirno maamulka dawlada Finnishka qeyb kasta oo ka mid ah sida; shaqa bixiyayaasha, macalimiinta, haya’daha caafimaadka iyo dhamaan madaxda hay’adaha kala duwan ee dalka ka jira.
>>Sii akhri
|
Haweenka xaafada Pikku Huopalahti oo u dabaaldagay maalintii xorniyada soomaalida ee kowda Luulyo (1.7.2004)
Dabaaldagii Sannadguuuradii 44-aad ee gobinaimada soomaaliya ayaa loogu dabaaldagay 1.Julay xaafada Pikkuhuopa lahti. Xafalada waxaa ka soo qeybgalay dadka Somaaliyeed ee degan xaafada Pikkuhuopalahti iyo qeybaha kale ee magaalada Helsinki iyo saaxiibo finnish ah. Waxaana halkaa lagu soo bandhigay qudbada ku saabsan gobinimda , heesaha xornimada iyo cunto kala duwan.
Guddoomiyaha Hiiraan Community ry Xassan Ali iyo Guddoomiyaha Golaha Midnimada Soomaaliyeed CabdirisaaqXasaan Maxamed iyo Dhakhtarad Mulki Mölsä ayaa martida ku soo dhaweeyay xaflada.
>>Sii akhri
|
Shirweynihii haweenka yurub oo ka dhacay barlamaanka yurub, Belgium, Bruxelles 24.-26.6.2004 (28.6.2004)
Shirwaynaha waxaa soo qabanqaabisey haweneey siyaasada Yurub aad uga dhex muuqata isla markaana xubin ka mid ah Baarlmaanka Yurub. Magaceedana layiraahdo Madame Emma Bonino. MEP Madame Bonino sidoo kale aad ayaa looga dhex yaqan siyaasada dalka Talyaaniga.
Shirkaas waxaa isugu yimid haweeno badan oo kakala socday wadamo badan sida Afrika Aasiya Amerika ,Yurub. Haweenka Soomaaliyeed oo ka soo qayb gashay shirkaas waxay dhamaayeen 14 oo kakala socday Finland, Denmark, Iswidhen, Itali, Jarmalka, Holand, Ingiriiska, Norway. >>Sii akhri
|