| Finnish | Ingiriis | Soomaali  |
Golaha midnimada soomaalida ee Finland, Puh. +358 443449175 fax +358 9 449175, Susitie 2-6, 00800 Helsinki, P.O. Box 1002, FIN-00101 Helsinki
Wararka Dhacdooyinka Cusub
Golaha Midnimada Soomaalaida
Nagala Soo Xariir
Waxbarashda
Shaqaaleynta
Dhaqanka Soomaalida
Diinta
Talin Bixin arimaha Bulshada
Mashaariicda
Majakka- Beacon
Xubnaha Dalada
Kaydka Macluumaadka
Hay'adaha Wadashaqeynta Inaga Dhaxeyso
Links
Intranet
Site Index
 


Haweenka xaafada Pikku Huopalahti oo u dabaaldagay maalintii xorniyada soomaalida ee kowda Luulyo (1.7.2004)

Dabaaldagii Sannadguuuradii 44-aad ee gobinaimada soomaaliya ayaa loogu dabaaldagay 1.Julay xaafada Pikkuhuopa lahti. Xafalada waxaa ka soo qeybgalay dadka Somaaliyeed ee degan xaafada Pikkuhuopalahti iyo qeybaha kale ee magaalada Helsinki iyo saaxiibo finnish ah. Waxaana halkaa lagu soo bandhigay qudbada ku saabsan gobinimda , heesaha xornimada iyo cunto kala duwan.

Guddoomiyaha Hiiraan Community ry Hassan Ali iyo Guddoomiyaha Golaha Midnimada Soomaaliyeed Cabdirisaaq Xasaan Maxamed iyo Dhakhtarad Mulki Mölsä ayaa martida ku soo dhaweeyay xaflada.

Taariikhda gobanimada Soomaaliyeed iyo xalaalada ay hadda ku sugan tahay soomaaliya

Waqooyiga soomaaliya oo uu gumeysanayay gumeystihii Ingiriiska waxay xoroobeen 26.June 1960, afar maalmood kadib oo ahyd 1.July 1960 ayay gobalada koonfureed xoriyadoodii ka hanteen gumeystihii Talyaaniga, isla maalintaa waxaa midoobay labadii gobal ee woqooyi iyo Koonfur halkaas oo ay ka dhalatay Jamhuuriyada Soomaaliyeed. Calanka soomaalida midabkiisu waa buluug wuxuuna dhexda ku leeyahy xiddig cad oo shan gees leh taa oo ka turjumeysaa shantii gobal ee gumeystuhu u kala qeybiyay Soomaaliya waqooyiga ee uu gumeysan jiray Ingiriiska, koonfurta oo uu gumeysan jiray Talyaaniga, galbeedka soomaaliya oo ku hoos jira Eithopia, NFD oo ay gumeysato Kenya iyo oo ka heshay madaxbanaanidooda 1977 Faransiiska.

Gobanimadii Soomaaliya kadib waxa dadka soomaaliyeed iyo dalkaba soo maray xaalada adag. 1960 ilaa 1969 waxa dalka soomaaliya xukumayay maamulo shacab ah. 1969 waxaa wadanka qabsaday maamul militari ah ee uu hogaaminayay General Maxamed Siyad Barre. Dabayaaqadii 1991 waxaa laga tuuray xukunka maaulkii siyaad barre, taa oo horseeday dagaal sokeeye. ilaa iyo haddana dawlad dhexe ee Somaaliyeed ma jirto.

Xafladan ujeedadeeda waxey aheyd is xasuusin dhamman waxyaabihii wanaagsanaa ee laga helay xoriyada. Goobta xaflada waxaa isugu yimi dad fara badan oo isa xasuusiyay xiliyadii wanaagsanaa ee Soomaaliya. Dib u heshiisiinta Soomaalida waxaa lagu qabanqaabiyay dalka iyo dibadaba, kuwii ugu danbeeyay waxa ay ahaayeen tii lagu qabtay Jabuuti (Carta) iyo midda hadda ka socota Kenya.- Waxaanu u rajeyneynaa haddii aynu nahay bahda Somalilitto mustaqbal wanaagsan dalka soomaaliyeed iyo dadka soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

Qabanqaabiyayaasha dabaaldagga gobanimada soomaaliyeed waxay kala ahaayeen Maryan Ali Hassan, Nimco Ali Kulle, Shukri Guure Hassan iyo Caasha Ahmed Farad. Waxaa kaloo kaalmeynayay Aulikki Lindholm iyo Mulki Mölsä.






Wararka
Dhacdooyinka
Cusub
Daabacaada Cusub
Bogga Haweenka
Bogga Dhalinyarada
Bogga
Caruurta
Wararka Maqalka
Tala Soo celin
 



   Bilow   © Golaha Midnimada Somalida