|
Shirweynihii ka dhacay baarlamaanka yurub, wadanka biljam magaaladda bruxelles 24,-26.6.2004 (28.6.2004)
Shirwaynahaas oo soo qabanqaabisey haweneey siyaasada Yurub aad uga dhex muuqata isla markaana xubin ka mid ah Baarlmaanka Yurub. Magaceedana layiraahdo Madame Emma Bonino.
MEP Madame Bonino oo sidoo kale aad looga dhex yaqan siyaasada dalka Talyaaniga
Shirkaas waxaa isugu yimid haweeno badan oo kakala socday wadamo badan sida Afrika Aasiya Amerika ,Yurub. Haweenka Soomaaliyeed oo ka soo qayb gashay shirkaas waxay dhamaayeen 14 oo kakala socday Finland, Denmark, Iswidhen, Itali, jarmalka, holand, ingiriiska, norway.
Haweenka iskugu yimid halkaas ayaa ka kala yimid caalamka. Guud ahaan waxaa ku soo aruurey goobta ururada ka shaqeeya arimaha ciribtirka gudniinka ama waxa loo yaqaan joojinta FGM.
Goobta shirkaas lagu qabtay oo ahayd Baarlamaanka Midoowa Yurub, ayaa sidoo kale looga hadlaayay nidaamka iyo doorashooyinka Daladda Haweenka Yurub oo ah Dalad ama isku xir ka shaqeeya joojinta gudniinka. Daladaasoo jirta mudo laba sano ah ayna ku mideysan yihiin haweenka Yurub iyo Afrikaaanka ku nool Yurub, waxaana sidoo kale lagu nuux nuuxsaday wixii uu soo qabtay isku xirkaan intii uu jirey.
Doorashada Isku Xirka ama Network
shirkaa ayaa sidoo kale muhiimadiisu ahayd doorashada gudiga howl wadeenka ka ahaan lahaa isku xirkaan ka hortaga gudniinka haweenka waxaase mar kale dib loogu doortey isla gudigii hore howsha u waday oo loo arkay in ay yihiin kuwo hada fahamsan nidaamayada qibradna ka heley intii ay hogaaminayeen Dalada intii ay jirtey. Waxaana gudoomiye looga doortay mar kale Khady Koita oo ah haweneey in badan si naftii huranimo ah uga shaqeyneysey arimahaan kuna nool hada Brussels, balse xarunta ururka ay ka mid tahay uu ku yaal Paris halka ku xigeen loogu doortey Jamiila Siciid Muuse oo ka socotay Association For Integration and Development oo markii la soo gaabiyo loo yaqaan AID kana howl gala Boosaaso iyo guud ahan Puntland Jamiilo oo ka tagtay dalka Sweden, ay markaan u soo jeesatay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka Dalkeeda, isla markaana ayadu shir gudoonka shirkaasi kala hagaysay.
waxaa gudigaas ka qayb galay Khadiijo Faarax oo ku nool wadaka denmark iyo Asilie Bare oo ku nool wadanka Jarmalka.
Haweenka Soomaaliyeed ee goobtaasi joogay oo ka howlgala guud ahaan geeska Africa sida konfurta Somalia, Somaliland, Puntland, Bay iyo Bakool,iyo waliba Ogaden iyo meelo kaloo Soomaaliya geesaheeda ah halka ay halkaasi ka muuqdeen Haween Soomaaliyeed oo xataa ka howlgala gudaha Yurub.
Waxaa shirkaas si qadarin leh uga soo qayb galay Drs.Faadumo Xaashi oo aheed dhaqtarad caan ah kana shaqeen jirtay isbitaalka banaadir ee magaalada muqdisho iyo Mako macalin oo iyada aheed xildhibaan.
Wada hadalo soconayay sedex maalmood ka dib " jiid aan ku Jiidee" kadib waxa ay haweenkaas isku raaceen in ay waligood ahaadaan kuwa aan ka harin la dagaalanka gudniinka ilaa laga cirib tiro balse dood dheer ayaa ka dhalatay halkaas kadib markii ay soo jeediyeen qar ka tirsan ururka in ay maanta adag tahay in haweeney reer baadiyo ah ama reer guuraa ah inta toos loogu tago lagu yiraah gabadhahaaga ma gudi kartid balse ay haboon tahay in la helo wax kale oo fududeeya in laga dhaadhiciyo dhibaatada gudniinka leeyehey.
Asilie Bare oo ku nool dalka Jarmalka ayaa ku dooday in ay tahay ugu yaraan guul la gaaray hadii ay maanta hooyada Soomaaliyeed ayba gaartay in ay wax ka fahamto dhibaatada Gudniinka leeyahaya oo ay ledahay maanta waxaan rabaa SUNO nuuca loo yaqaan.
Asilie oo intii goobta joogtay ay hal mar ku weerareen hadalo ay ka mid ahaayeen waxaan rabnaa inaan cirib tirno gudniin oo dhan taasna kama galayno waxa loo yaqaan Compromise.
Asiili tahay shaqsi diidan gudniinka oo dhan mar kastaa balse waxa ay ku doodeysaa ay tahay in Hooyada Soomaaliyeed loo gartaa xataa ugu yaraan in la siiyo tixgalin maxaa yeeley beey tiri " hooyo Soomaaliyeed oo aan wax baran hadii ay gaartayba maanta in ay tiraah gudniinka waa wax xun Sunada ayaa wanaagsan in ay tahay guul la gaaray maxaa yeeley intaaba lama haysan" sidoo kale ayay ayadoo si adag isku difaaceysa ay tiri " waxaan ka wadaa howlahayga gobolka Ogadeen suurto galna iima aha inaan intaan tago bilaa sabab ama wax kale aan hore ka abaaro lama gudi karo gabdhaha waxayna tiri waxaan hada arinkaas u gudbiyaa si dodban oo aan Hooyada Soomaaliyeedna u qiraayo kaalinteeda waxaan u furna iskoolaad kuwaasoo aan niraah gabadhii la gudaa iskoolka ma dhiganayso taas ayaana qasbaysa in lagu qalqaaliyoin ay reeerkaasi yirahdan yan la gudin iyo waxaa jira fikrado kaloo badan oo looga dhadhicin karo ujeedada ciribtirka gudniinka balse hala joojiyo kaliya laguma joojin karo, waa inaan noqonaa dad xaqiiq ku hadlaa oo aan iska dhaadhicin riyo ilayn halka aan ka shaqeyn doono Yurub maaha oo sharci iyo kala danbeyn ay ka jirto oo Gabadha Soomaaliyeed ay la mid tahay tan Yurub ta ah balse halka aan fariinta geyneyno waa dalal aynan sahal ahayn inaan helno sharci lagu diido gudniinka oo waxaan ila wanaagsan inaan si aan u gudano howsha si munaasab ah uga dhaadhicino hooyooyinka Soomaaliyeed" ayay tiri Asilie oo dareensan in ay goobtaasi kaligeed ku noqotay, siina raacisey in ay tahay mar kastaa qof diidan guniin oo dhan nuucuu doonabasidoo kale ayaa hadalka waxaa qaatay Caasha Cumar Geesdiir iyo haween badan oo African ah isla markaana Muslimiin ah ayagoo goobtaas ka cadeeyey in la joojiyo dooda ku saabsan Sunada oo ay ku tilmaameen ereyga Suno ma aha gudniin waa erey sharaf leh oo ah Sunada Nabiga, ee ha la joojiyo ereygaas ka doodidiisa
. Ayadoo ay hadlkii Asilie Barre ee ku saabsanaa Sunada ay si adag ereyo kul kulul uga jawabayeen haweenka ka yimid Dalka Itoobiya ee ka howlgala Yurub kana mid ah Isku xirkaan ay ku mideysan yihiin dhamaan in ta ka horjeeda FGM ama ciribtirka Gudniinka.kuna qayliyay Asilie Barre waa in ay cadaysaa waxa ay halkaan u joogto hadii ayba taageersan tahay nuuc ka mid ah gudniinka ilayn Isku xirkaan wuxuu la dagaalmayaa Gudniinka oo dhan Asilie na waxay taageertey Nuuc ka mid ah gudniinka sidee beey ugu jiri kartaa Isku Xirkaa halkaas oo ay goobtii oo dhan u muqatay mid faraha ka baxday ilaa ay gabdhaha qaar Soomaaliyeed ay aad u buuqeen ayagoo gacanta ku fiiqaya in ay qaldantay Asilie, qaarkoodse ay lahaayeen xuriyada Fikirka qof kastaa waa uu leeyehey ugu danbeyntii ayay Jamila oo shir gudoonka haysay halkaasi mar kale ku soo celisey xasiloonidii shirka.
.Waxaa shirka lagu soo gabeeyay in haweenka aduunka oo dhan hore usii laba jibaaraan wax ka qabashada arimaha Gudniinka.
Waxaa kale oo haweenka soomaaliyeed ee halkaas isugu tagay ay ka dhiseen urur lamac baxay Somali women net work in yurub ayna gudoomiye ka tahay Drs Fadumo Cumar Hashi.
Drs Batulo Essak
Finland

|