|
Qaybta booliska ee arrimaha ajnebigu waxay u guuraysaa Malmi (09.02.2004)
Saldhigga booliska ee Helsinki qaybtiisa arrimaha ajnebigu waxay hawsheeda ka bilaabaysaa xafiis cusub laga bilaabo 9.2.2004. Taariikhdaas laga bilaabo dhammaan hawlaha ay qaybta booliska ee arrimaha ajnebiga ee degmada Helsinki qaabilsan tahay waxaa loogu hagaagayaa dhismada booliska ee Malmi.
Cinwaanka cusub ee meeshaas lagu tegi karaa laga bilaabo 9.2.2004 waa: Malmin poliisitalo, Viljatie 2, waxaana laga soo geleyaa dhinaca Kaupparaitti.
Malmi waxaad ku tegi kartaa basas ka baxa saldhigga weyn ee tareemada (Rautatientori), basaskaasna lambaradoodu waa 73B, 73N, meesha metrooga ee Herttoniemina waxaa ka baxa baska lambarkiisu yahay 79, meesha metrooga ee Vuosaarina waxaa ka baxa baska lambarkiisu yahay 78. Saldhigga weyn ee tareemada ee Helsinki waxaa ka baxa oo aad Malmi ku tegi kartaa tareemada ay ku qoran yihiin P, I iyo K.
|