| Finnish | Ingiriis | Soomaali  |
Golaha midnimada soomaalida ee Finland, Puh. +358 443449175 fax +358 9 449175, Susitie 2-6, 00800 Helsinki, P.O. Box 1002, FIN-00101 Helsinki
Golaha Midnimada Soomaalaida Dhacdooyinka Cusub
Golaha Midnimada Soomaalaida
Nagala Soo Xariir
Waxbarashda
Shaqaaleynta
Dhaqanka Soomaalida
Diinta
Talin Bixin arimaha Bulshada
Mashaariicda
Majakka- Beacon
Xubnaha Dalada
Kaydka Macluumaadka
Hay'adaha Wadashaqeynta Inaga Dhaxeyso
Links
Intranet
Site Index
 


Golaha midnimada soomliyeed ee Finland wuxuu horumarinayaa waxqabadkiisa

Golahan waa mid la aasaasay 1996 oo dalad u ah ururada soomaaliyeed ee wadankan Finland. Sidoo kale ayuu golahan wada shaqeyn iyo iskaashiba la sameeyaa hay’adaha dawliga ah ee wadankan. Shaqada goluhu waa mid firfircoon oo ujeedada ka dambaysaa tahay sidii ay shaqo dheeraad ah ugu qaban lahayd xubnaheeda iyo dhamaan soomaalida wadankan, oo ay u fahamsiin lahayd dhaqanka umada soomaaliyeed ee wanaagsan dadka Finnishka. Arinta kale ee muhiimka u ah golahan waa sidii uu kutiri kuteenta iyo humaaga uga dhexsaari lahaa, isuguna soo dhaweyn lahaa labada bulsho ee wada nool.

Golaha midnimada soomaaliyeed wuxuu la socdaa mashruuca Majakka Beacon oo laga hago (kuntoutussäätiö), kaasoo ah mid ka mid ah dalabka mashruuca Equal oo ay fangareeyso deeq bixiyayaasha sooshalka yurubiyanka. Mashruucan Majakka Beacon waxaa lagu horumariyaa gargaarid shaqo helid iyo warbixin ka caawisa ajaanibta shaqo inay helaan sida golaha midnimada soomaaliyeed iyo ururka shaqo raadinta Iraniyiinta iyo Ciraaqiyiinta (Iranin ja Iraqin työllistämisyhdistys). Warbixintaas iyo xogtaas oo ku jiheysan ajaanibka iyo shaqo bixiyayaashaba.

Golaha midnimada soomaaliyeed wuxuu qabanqaabiyaa sidoo kale seminaaro iyo waxbarasho ku saabsan xeerarka shaqo ee wadankan Finland iyo shaqo dalbashadaba. Sidoo kale ayay shaqo bixiyeyaashuna weydiin karaan wixii talo ah ee ku saabsan shaqaaleynta ajaanibka wadankan , gaar ahaan soomaalida, golaha midnimada soomaaliyeed. Sidoo kale ayuu goluha midnimada soomaaliyeed la shaqeeya raadiyo lookalka ee ku baxa luqada af-soomaaliga (radio-warsan) asbuuciiba labo marna laga sii daayo barnaamijyo lagu sheego arimaha la xiriira shaqada wadankan iyo fursadaha waxbarasho ee jiraba.

Mashruuca Majakka Beacom puitteissa on tehty cadeyn, taasoo lagu qiimeynayey ururka shaqaaleynta Iraniyiinta iyo Ciraaqiyiinta, sidoo kale shaqada golaha midnimada soomaaliyeed. cadeyntaasi waxaa sameeysay YTM Päivi hyvönen, cadeyntaasi waxaa lagu xaqiijiyey in ururadani u shaqeeyaan si firfircoon ee wanaag u horseedaysa dadka ay matalayaan.

ururad ajaanibku waxay bixin karaan ooy siin karaan dadweynha Finnishka fikrado aad u kala gedisan. tusaale ahaana fikradahaas iyo aragtiyooyinkaasi kala gedisan waa inay shaqaalaha dawliga ahi ee wadankan ka faaideystaan. ururada ajaanibku waxay awoodaan inay ka caawiyaan ajaanibka shaqo helidooda, oo ay naftirkoodu hawl geliyaan. Sidoo kale saameynta bosiishanka iyo soo saarid aragtidooda si furan oo qaab wada hadal oo kale ah.

Sanadka 2004 golaha midnimada soomaaliyeed waxa uu culeyska saarayaa sidii uu u horumarin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dawliga ah, sidoo kale haweenka iyo fahamka basarka wadankan loogu nool yahay iyo kordhinta waxbarashadooda, sidoo kale ka caawinta dhalaanka iyo dhalinyarada soomaaliyeed xaga waxbarashada iskuulada., tusaale naadiyo lagaga caawiyo oo lagala shaqaynayo shaqo gurida loo soo diro caruurta iskuulada dhigata.

Abdirizaq Hassan Mohamed

Gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland

 


Wararka
Dhacdooyinka
Cusub
Daabacaada Cusub
Bogga Haweenka
Bogga Dhalinyarada
Bogga
Caruurta
Wararka Maqalka
Tala Soo celin
 



   Bilow   © Golaha Midnimada Somalida