| Finnish | Ingiriis | Soomaali  |
Golaha midnimada soomaalida ee Finland, Puh. +358 443449175 fax +358 9 449175, Susitie 2-6, 00800 Helsinki, P.O. Box 1002, FIN-00101 Helsinki
Shaqaaleynta Dhacdooyinka Cusub
Golaha Midnimada Soomaalaida
Nagala Soo Xariir
Waxbarashda
Shaqaaleynta
Dhaqanka Soomaalida
Diinta
Talin Bixin arimaha Bulshada
Mashaariicda
Majakka- Beacon
Xubnaha Dalada
Kaydka Macluumaadka
Hay'adaha Wadashaqeynta Inaga Dhaxeyso
Links
Intranet
Site Index
 


Waxyaabah laga yaabo in laguweydiiyo waraysiga shaqada

  1. Waa inaad ku timaaddaa wakhtiga laguu qabtay .
  2. Si furfuran u gacan qaada qofka ku waraysanaya haddii aadan rabin in aad gacan qaado si xushmad leh ugu sharax sababta keentay.
  3. Isu sheega si yaroo kooban adigoo muujinaya fur furaan taasina waa mihiim.
  4. Xusuusnow in aan hadalkaaga oo kaliya laqiimaynaynin ee laqiimayni furfuraantaad, habkaad u dhaqmayso,si daad u muuqato,habsami u socodkaaga iwm
  5. Waa in aad naftaad aamintaa iyo awoodaada,si uu shaqo bixiyuhu kuu aamino.
  6. Dhagayso si wanaagsan kana jawaab wixii lagu waydiiyay.
  7. U jawaab si kooban kana bixi jawaab waafi ah.
  8. Si taxadar ah u la soco qofka ku waraysanaya fariimihiisa aan hadalka ahayni adigoo taxadar ka muujinaya habkiisa iyo si duu wax kuu waydiiyay.
  9. Tus inaad doonayso ugu horayni shaqadan kadibna wixii waajab ah ee la xiriira shaqadan.
  10. Soo ogow shaqadaad dalbanayso mushaarka labixiyo .
  11. Aad haysu faanin ,hana is liidin.
  12. Ogolaansho ka bixi in wax lagaa weeydiiyo dakaad horey ula soo shaqaysay iyo madaxdaadii horeba.
  13. Marna ha caybeyni shaqo bixiyahaagii hore .
  14. Marna ha kabixin sawir khaldan iskuul aad horey u soo dhigatay ama shaqao aad soo qabatay.
  15. Haddii lagu waydiiyo goormaad timid Finland ha ku jawaabin maxasuusto ee u sheeg wakhatigaad timid.
  16. Haddii lagu weydiiyo maxaad qaban jirtay intaad shaqo la*aanta ahaydi ha ku jawaabin waxba ee u sheega waxyaabahaad qaban jirtay sida haddii aad ciyaari jirtay kubada,jimicsiga,iyo wixii hiwaayad ah oo aad sameyni jirtay.
  17. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo maka shaqaysay finlad hada kahor ama soomaliya haddii aadan ka shaqayni finland laakiin aad ka shaqaysay soomaliya u sheega shaqooyinkaad qabatay oo kooban.
  18. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo maxaad u soo dalbatay shaqadan waa in aad si haboon oo ay ku jirto xushumad ugu jawaabtaa adoo muu jinay in aad danaynayso shaqadan helitaankeed.




Wararka
Dhacdooyinka
Cusub
Daabacaada Cusub
Bogga Haweenka
Bogga Dhalinyarada
Bogga
Caruurta
Wararka Maqalka
Tala Soo celin
 



   Bilow   © Golaha Midnimada Somalida