|
Wakhtiga Shaqada
Wadanka Finland waxaa la shaqeeyaa 8 sacadood maalintii, wiigiina waxaa la shaqeeyaa 40 Saacadooda,shaqooyinka qaarkood waxaa la shaqeeyaa 37 saacadood wiigii, haddii ay saacadaha shaqadu ka yartahay 30 saacadood waxaa shaqadaa lagu magacaabaa shaqo haafa ah ama shaqo dhimin. Wakhtiga shaqadu waa lamaarayni karaa maalin waxaa la shaqayni karaa saacado badan maalina saacado yar, waxaa kaloo lasamayinkaraa in aad xiliga shaqada ka hor soo gasho oo aad baxado xiliga hore ama aad soo gasho amin danbe shaqad oo aad baxado amin danbe laakiin soo daahidu kama badanaan karto 3 saacadood shaqooyinka noocaas ah waa inaad ogolaansho ka haysataa shaqo bixiyaha oo aad ku heshiisaan.
Shaqooyinka qaarkood waa shaqooyin aad shaqaynayso xilayo kala gadisan sida subaxii , galabtii ama habeenkii hadaba shaqooyinka caynakaas ah shaqo bixiyaha ayaa wuxuu sameeyaa jadwalka shaqada oo uu u samaeynayo shaqaalihiisa markaa haddii ayna kugu habooneyni xilga lagugu qoray waxaad kal xaajoon kartaa shaqo bixiyaha ama madax shaqada.
Safarka u dhexeeya guriga iyo goobta shaqada ma xisaabsano wakhti shaqo.
|