| Finnish | Ingiriis | Soomaali  |
Golaha midnimada soomaalida ee Finland, Puh. +358 443449175 fax +358 9 449175, Susitie 2-6, 00800 Helsinki, P.O. Box 1002, FIN-00101 Helsinki
Shaqaaleynta Dhacdooyinka Cusub
Golaha Midnimada Soomaalaida
Nagala Soo Xariir
Waxbarashda
Shaqaaleynta
Dhaqanka Soomaalida
Diinta
Talin Bixin arimaha Bulshada
Mashaariicda
Majakka- Beacon
Xubnaha Dalada
Kaydka Macluumaadka
Hay'adaha Wadashaqeynta Inaga Dhaxeyso
Links
Intranet
Site Index
 


Sharciga heshiiyada shaqo

1. Heshiis shaqo
2. Qaabka heshiiska shaqo iyo muddooyinkiisa
3. Wakhtiga tijaabada (= Koeaika)
4. Shuruudaha heshiiseed
5. Waajibaadka Saaran loo shaqeeyaha
13. Sababaha soo jiidi karaa cayrin
15. Shaqo bixinta iyo waajibaadka tababarka
16. Burinta heshiis-shaqo
17. Qaan-sheegasho

1. Heshiis shaqo

•  Dheefsiga Shaqo

•  Sharciga khuseeya shaqo bixiyaha

•  Dhawridda iyo la socoshada hab-dhaqanka shaqo bixiyaha

•  Gudashada Mas'uuliyadeed


2. Qaabka heshiiska shaqo iyo muddooyinkiisa

•  Heshiis hadal Ku dhaca

•  Mid qoraal ku dhaca

•  Mid fariin ku dhaca (Sähköisesti)

•  Heshiis aan xadidnayn

•  Mid ku meelgaar ah (Sababtiisana la raaciyey)


3. Wakhtiga tijaabada (= Koeaika)

•  Mid gaar la' isugu afgarto

•  Mid mudadiisu lagu xadiday ugu badnaan 4 bilood

•  Mid ku xadidan 6 bilood, waase haddii uu shaqo bixiyuhu ogolaado mudo 4 bilood ka badan oo tababar ah

•  Mid mudadiisu ugu yaraan tahay 8 bilood, haddiise shaqo bixiyuhu ka noqdo heshiiska waa in shaqeeyuhu shaqeeyaa kalabar mudada heshiisku dhigayey.

•  Haddii shaqo bixiyuhu shuruud gaar ah ku xiro mudada tijaabada ah waa in uu shaqeeyaha la socod siiyaa shardigaas gaarka ah.

•  Waa in heshiiska ay burin karaan labada dhinacba si siman.

•  Waase in aan loola dhaqmin heshiiskaas la gaaray si aan waafaqsayn axdiga iyo qawaaniinta degsan.


4. Shuruudaha heshiiseed

•  Shuruudaha heshiiseed, waa kuwo ay dejiyeen hal iyo wixii kabadan oo ururada shaqo bixiyayaalka ah. Sidoo kale hal iyo wixii ka badan oo ururada shaqaalaha.

•  Heshiiska waxaa ku jira shuruudo ay tahay in ay fuliyaan labada dhinac ee shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha.

•  Shuruudaha heshiiska uu xanbaarsanyahay waa kuwo qabanaya shaqo bixiyaha iyo xiriir-urureedka uu ka tirsanyahay, taas oo ay horay hab qoraal ah u waafaqay.

•  Sidoo kale shuruudaha uu xambaarsanyahay heshiiskan wuxuu qabanayaa laamaha hoose ee ka tirsan xiriirka.

•  Shaqo bixiyayaalka iyo shaqaalaha sidoo kale wuu qabanayaa kuwaas oo ansixiyey qaynuunkaas mudadii uu shaqaynayey.

•  Shaqeeyaha goorta uu saxiixa heshiis shaqo waxaa ku waajibaya inuu fuliyo waxa heshiikaas qabo.

5. Waajibaadka Saaran loo shaqeeyaha

•  Sare u qaadida dhaqan wanaaga shaqeeyaha iyo shaqaalaaha kaleba.

•  Sare u qaadidda awoodda wax qabad ee shaqaalaha, gaar ahaan wixii la xiriira shaqadooda.

•  La socoshada habsami u gudashada shaqaalaha shaqadooda.

•  ka hor tegidda iyo joojinta inay midabtakoor iyo kala saraysiin ka dhacdo goobta shaqada. Kala saraysiinta shaqaalaha iyada oo loo adeegsanayo dhalasho, jinsiyad ama xaaladda caafimaad ee shaqeeyuhu ku suganyahay awgeed.

•  Colaadin; Luqad, diin, aragti siyaasadeed ama wixii la xiriir in lagula kaco shaqaalaha.

•  Hagaajinta xaaladda nabadgelyo ee goobta shaqada iyo dhawridda xaaladda caafimaad ee shaqaalaha; u bedelidda hooyada uurka leh

•  Loo shaqeeyaha waa inuu la socodsiiyaa shaqeeyaha marka shaqadu dhamaanayso.

•  Heshiiskii si ku meel gaar ah u socda 5 sano ka badan socda, weli waxaa ka dhalan karaa cayrin.

•  Mudada cayrintu waa ugu badnaan 6 bilood.

•  Loo shaqeeyaha waa yeelan karaa wakhti cayrineed oo ka badan kan shaqeeyaha.

•  Haddii aan si kale lagu heshiin, iyada oo mar walba ku xirantahay mudada shaqadu ay soconayso, mudada cayrineed ee loo shaqeeyaha waa inta u dhaxaysa 14 casho - 6 bilood.

•  Mudada la socodsiinta in shaqadu dhamaatay waa 14 casho ilaa bil, iyada oo hadba ku xirantahay heshiiskii la galay waxa uu dhigayay. s

•  Inaan loo cayimin shaqeeyaha wakhti carineed, waxay ku keenaysaa loo shaqeeyaha inuu bixiyo mag dhaw.

•  Shaqeeyaha wuxuu xaq u leeyahay in uu helo cadayn markasta oo la waydiisto.

•  Waa in cadayntaas la bixinayo ay ka muuqataa nooca shaqada iyo mudada ay soconayso. Haddii ay dhamaato sababta ay u dhamaatay waa in lagu muujiyaa.

13. Sababaha soo jiidi karaa cayrin

•  Shaqeeyuhu waa ka tegi karaa shaqada sabab la'aan.

•  Inuu ka horyimaaddo habsami u socodka shaqo maalmeedka.

•  Inuu gudan waayo shaqadiisa, isla markaasna si toos ah ooga horyimaaddo awaamirta loo shaqeeyaha.

•  Inuu gudan waayo shaqadiisa, sida xanuun, curyaamid ama shil sababa inuu hawshiisa u gudan waayo si habsami ah.

•  Lama cayrin karo iyada oo lagu takoorayo arin la xiriirta waxa uu aaminsanyahay ama ku biirid urureed awgeed.

•  Waa in digniin la siiyaa lagu saxayo khaladkiisa, haddii aysan ahayn wax khatar.

•  Haddii khaladku wayn yahay looma baahna digniin in la siiyo.

•  Haddii xaalka dhaqaale ee cidda loo shaqaynayo hoos u dhaco.

•  Haddii shaqaale dhimid socoto.

•  Waa in laga fikiraa inay suurogal tahay in loo bedelo booskiisa ama tabar dheeraad ah la siiyo.

15. Shaqo bixinta iyo waajibaadka tababarka

•  Ka hor inta aan la cayrin shaqeeyaha gaf yar oo uu galay ama xaalka dhaqaale ee loo shaqeeyaha oo xumaaday darteed, waa in loo fidiyaa xubintaas shaqaalaha ah shaqo u qalanta heshiiskiissii shaqo ama tababar dheeraad ah la siiyaa.

•  Tababarkaas waa inuu yahay mid ku haboon wakhtiga, ula jeeddo wax ku ool ahna laga leeyahay.

•  Loo shaqeeyuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu cayriyo shaqaalihiisa ka hor inta aan heshiisku dhamaan.

•  Dib u habayn lagu sameeyo cidda loo shaqaynayo, taas oo looga hortagayo in shirkaddu kacdo, shaqo bixiyuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu shaqaalihiisa ku cayriyo mudo labo bilood gudaheed

•  Haddii shirkaddu kacdo ama loo shaqeeyuhu geeri ku timaaddo, labada dhinac waxaa u muddo a 14 casho.

•  Haddii skirkaddu kacdo, muddada cadayntu socoto mushaharka waxaa lagu leeyahay loo shaqeeyaha.

•  Haddii haweenaydu uuraysato waa in ay arintaas ogaysiisaa shaqo bixiyaheeda.

16. Burinta heshiis-shaqo

•  Loo shaqeeyuhu waa in uu wakhti hore la socodsiiyaa shaqaalihiisa, haddii shaqo cayrin ku soo fool leedahay.

•  Waa in uu u sheegaa shaqaalihiisa sababta shaqada ooga dhamaatay; sidoo kale haddii uu goosto inuu shaqada ka cayriyo.

•  Waa in lagu caddeeyaa qoraalka goorta shaqadu dhamaatay iyo sababta qofka loo cayriyey.

17. Qaan-sheegasho

•  Shaqo bixiyaha buriya xuquuqda shaqaalihiisa ama sabab u noqda dhib soo gaara shaqaalihiisa, mag dhaw ayaa ku waajibaysa.

•  Mag dhawga waxaa xadidaya sharciga ka dagsan.

•  Shaqo bixiyaha sabab la'aan ku cayriya shaqaalihiisa, waxaa ku waajibaysa inuu mushahar siiyo shaqeeyaha muddo 3 bilood ah ugu yaraan, ugu badnaana 24 bilood (hal mag dhaw).

•  = Qadarkeeda waxay ku xirantahay:

•  Inta heshiiskiisa shaqo ka dhiman.

•  Haddii shaqadiisa aanay ahayn mid joogto ah, iyadana inta ka dhiman.

•  Da'da qofka iyo suurogal nimada inuu iskuul aado.

•  Inta uu ku lahaa shaqeeyuhu shaqo ka cayrintiisa.

•  Xaaladda markaas jirta ee labada dhinac ku suganyihiin.

•  Waxaan ku jirin arimahan la sheegay, haddii qofkaas lagu cayriyey xaalado dhaqaale oo haysta loo shaqeeyaha.

•  Haddii qofkaas la cayriyey mudadii tijaabada.

•  Mushaharka qofkaas oo ahaa 75 ama 80 % mushaarkiisii guud waxaa ka sii go'aya lacagta shaqo la'aanta

•  Wixii laga jaray waxay si toos ah oogu dhacaysaa qasnadda shaqo la'aanta ama KELA

•  Waa in qofka lala socodsiiyaa dhamaan waxa dhacaya

•  Xaalado gaar ah waa laga tegi karaa in laga jaro qofkaas lacagaha kor ku xusan




Wararka
Dhacdooyinka
Cusub
Daabacaada Cusub
Bogga Haweenka
Bogga Dhalinyarada
Bogga
Caruurta
Wararka Maqalka
Tala Soo celin
 



   Bilow   © Golaha Midnimada Somalida