| Finnish | Ingiriis | Soomaali  |
Golaha midnimada soomaalida ee Finland, Puh. +358 443449175 fax +358 9 449175, Susitie 2-6, 00800 Helsinki, P.O. Box 1002, FIN-00101 Helsinki
Wararka Dhacdooyinka Cusub
Golaha Midnimada Soomaalaida
Nagala Soo Xariir
Waxbarashda
Shaqaaleynta
Dhaqanka Soomaalida
Diinta
Talin Bixin arimaha Bulshada
Mashaariicda
Majakka- Beacon
Xubnaha Dalada
Kaydka Macluumaadka
Hay'adaha Wadashaqeynta Inaga Dhaxeyso
Links
Intranet
Site Index
 


Xarunta ururka midnamada somaaliyeed ee Finland Doodii sagootiska iyo dardaaranka ee abwaan hadraawi (14.12.2003)

Waxaa ka dhacay maanta ooy bishu tahay 14.12.2003, xarunta ururka midnimada soomaaliyeed ee Finland, shir lagu soo gabagabeynayey socdaalka nabada ee abwaan hadraawi ugu soo baqoolay wadankan aynu degenahay ee Finland. xubnihii ka soo qayb galay shirkaasi waxay isugu jireen dhamaan indheer garatada iyo cuqaasha soomaaliyeed ee wadankan Finland. doodaasi waxay ku salayasnayd qaabkii loo waji lahaa fikirka abwaanka ee NABADAYNTA SOOMAALIDA, iyo kaalinta aan ka qaadan karno hadaan nahay soomaalida Finland. Abwaanka oo qorshihiisu ahaa inuu durbadiiba baxo maadaama uu ku qornaa diyaarad baxaysay saacad iyo badh ka dib, ayaa waxay dadwenahaasi ka codsadeen inuu raaco duulimaadka xigay oo baxayey habeenimada. Qaar ka mid ah xubnihii hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa:

Dr Hassan: Soo jeedin codsi hadii ay suurogal tahay in abwaanku goobjoog ka ahaado doodan ku salaysan baadigoobka nabada soomaaliyeed, gaar ahaan wixii fikrado ah ee odayaashu doonayaan inay u soo jeediyaan abwaanka

Ahmed hiji: Muhiimada ka munaaqashada fikirka hadraawi iyo sida abwaanku u arko

Abdala: Qaabka ay ku suuroobi karto barnaamijkan socdaalka nabada, sida loo wejihi karo iyo

Hadii ay jiraan kooxo ka midaysan fikradan oo lala shaqayn karo ee ka jira Europe?

Diiriye: Helitaan institute la aasaaso oo ku salaysan socdaalka nabada ee hadraawi

Abdixakin: Ka mira dhalinta fikirkan iyo fikirkii hadraawi ee u qaybsamaa afarta, ee abwaanku ku tilmaamay inay tahay qaabka kaliya ee xal loogu heli karo, kuwaasoo kala ahaa: A)waqtigii gumeystaha, B) xiligii xornimodoonka, C) xiligii gobanimada, ayaa cabdixakiin soo kordhiyay qaabka ay isuwaafiqi karaan sadex qodob oo sidoo kale aasaas weyn u ah nolosha qofka soomaaliga ah. kuwaasoo kala ahaa; qabiilka, islaamka iyo soomaali..

Hassan kamaal: Markii aad gudaha soomaaliya joogtay mirihii ka soo baxay iyo saameynta ay ku yeelatay socdaalkaaga? su’aasha kale waxay ku salaysan tahay in mujtamaca soomaaliyeed ee qurbaha fariintaadan ay la mid tahay tii aad u waday mujtamicii wadankii ama dhulkii hooyo, maadaama ay ku kala jiraan xaalado iyo duruufo kala duwan?

Mohamed Hirsi: wuxuu maxamed aad u taageeray fikirka abwaanka uuna ugu mahad celiyay ee uu ku saleeyey helitaanka nabadgelyo iyo qabsashada diinta islaamka ee ah qaabka kaliya ee lagu gaari karo..

Aden walalac: Talo bixin sidii uu abwaanku isu waafajin lahaa suugaanta uu caanka ku yahay illaahayna ku maneystay iyo diinteena islaamka, kuwaasoo noqon kara qaabka fariinta lagu gaarayo horumarinta bulshadeena lafdhabarta u ah..

Idiris: abwaanka ayuu u soo jeediyay talooyin ku salaysan dhibka ay leedahay hawshan uu hayo, sidoo kale taageero iyo wada shaqayn ay diyaar u nahay..

Mulki: Fikirka Hadraawi iyo umad badan ee soomaaliya ayaa ahaa in diinta islaamku tahay xalka kaliya ee nabadaynta soomaalida, hadaba su’aasha gabadhu waxay ahayd sida loo dhirindhirin ama cida balan qaadi karta in kitaabka aan lagu danaysan ee loogu dhaqmo sida ay tahay?..

wiil dhalinyaro ah: Dardaaranka abwaanka ee xaga dhalinyarada ayuu weydiiyey wiil ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo qayb gashay kulankaas oo nasiib daro aanan garaneyn magiciisa igana hor baxay..

Dr. Hassan: Soo jeedin mahad celin abwaanka qoraalada suugaantisa ee uu oo reebay,, sidoo kale dhiiri gelin xaga dhalinyarada ee ku salaysan inay aruuruyaan suugaanta, qoraalana reebaan. warbixin ku saabsan bulshadii soomaaliyeed ee waayihi hore iyo tan maanta ee roolkii waalidiinta ama qoysku jirin ama uu lumay…

Abdirishiid: Gabaygii daba huwan ee abwaan hadraawi oo ku dhaliyey fikir uu isku lifaaqay baaritaan uu abdirishiid samaynayey ee ku salaysnaa sidoo kale mashaakilka soomaaliya, oo falsad fara badani aaminsan yihiin in qabiilku yahay mashaakilka jira iyo fikir kale ee oranaya inuu qabiilku yahay tool ama qalab shaqo oo fududeynaya burburka ee uusan ahayn aasaaska burburka. Abdirishiid waxuu qeexay inay isku aragti yihiin abwaanka qaabka uu ku qeexay ee gabaygiisa dabahuwan ku cad…waxaa jirta in ay lagama maarmaan tahay aragtida ku salaysan INTERNAL & EXTERNAL CONTROL.. taasoo tan hore ay tahay inuu qofku marka hore helo jidka noloshiisa, kadibna u gudbo tii majtamaca ama guud..sidoo kale saameynta uu gumeystuhu ku yeeshay qabiilka iyo leadership ama hogaanku..sida islaamku xal u yahay oo ah mid ka duwan fikradahaasoo dhan, waayo wuxuu islaamku barayaa waxyaabaha basic ama aasaaska ah ee aadamuhu u baahan yahay si uu xal ugu heli lahaa noloshiisa, kadibna waxay u geynaysaa inuu u talaabo wejigii xigay ee ah mujtamaca nolol la qaadashadiisii…arinka soomaalinimaduna wuxuu noqonayaa in umadan la dareensiiyo inuu mashaakilku ahayn shaqsi ee uu yahay mi guud ahaan ay masuul ka yihiin dhamaan ummadoo dhan yar iyo weyn, haween iyo ragba... waana in la helaa wado cad ee ummadu awoodo inay iyagu samayn karaan nolol iyo nabadgelyo.

Macalin Shiihow: mahada illaahay iyo tan hadraawi kasokow in fikirka hadraawi uu yahay mid taariikhi ah walow umada qaarkeed u aragto mid caadi ah. sidoo kale uu ku baraarujiyey inuu dareenkaas iyo hawshaas sii wado. maadaama ay tahay mid caam umadana ay aad ugu baahnayd cid u bilowda risaaladan. illaahay haka dhigo midii miro dhalisa ayuu shiikhu ku soo gabagabeeyey..

dhaliil Radio warsan ku wejahan ayaa lasoo jeediyey.. maadaama idaacadu ahayd midku hadasha codka soomaalida Finland, oo aysana goobjoogna ka soo noqon dhamaan kulanadii uu ka qayb galay abwaanku oo soomaali fara badan oo wadankan degeni ka soo qayb galeen…







Wararka
Dhacdooyinka
Cusub
Daabacaada Cusub
Bogga Haweenka
Bogga Dhalinyarada
Bogga
Caruurta
Wararka Maqalka
Tala Soo celin
 



   Bilow   © Golaha Midnimada Somalida