| Finnish | Ingiriis | Soomaali  |
Golaha midnimada soomaalida ee Finland, Puh. +358 443449175 fax +358 9 449175, Susitie 2-6, 00800 Helsinki, P.O. Box 1002, FIN-00101 Helsinki
Wararka Dhacdooyinka Cusub
Golaha Midnimada Soomaalaida
Nagala Soo Xariir
Waxbarashda
Shaqaaleynta
Dhaqanka Soomaalida
Diinta
Talin Bixin arimaha Bulshada
Mashaariicda
Majakka- Beacon
Xubnaha Dalada
Kaydka Macluumaadka
Hay'adaha Wadashaqeynta Inaga Dhaxeyso
Links
Intranet
Site Index
 


DIBAD BIXII KULEYLAHA EE ODAYAASHA SOOMAALIYEED
(26. - 28.7.2004)



Golaha midnimada Soomaaliyeed ayaa sidii caadadu ahaan jirtey waxa uu qabanqaabiyey dibadbixii sanadkan oo ay fursad u heleen odayaal Soomaaliyeed oo ka kala socday xaafado kala gedisan ee Helsinki iyo agagaarkeeda. sidoo kale ayaa waxaa iyaguna goob joog ka ahaa xubno kala gedisan oo isugu jirey dhalinyaro iyagu u imanayey inay waqtigooda la qaataan odayaasha oo ay ka faaiideystaan fursadaha halkaasi jirey sida: sheeko, dabaal, Sauna iwm. Waxaa iyaguna ka mid ahaa xubnahaasi soo booqanayey goobta, culima'udiin ka kala imanayey masaajida magaalada Helsinki, oo iyagu muhiimadoodu ahayd xusuusinta eebe iyo ku baraarujinta odoyaashaasi masuulka odaynimo ama aabenimo ee eebe ka yeelay dushooda iyo qaabkii ay u fushan lahaayeen masuuliyadaasi bulshadan dhexdeeda. Kulankaasi oo si aad ah ay isaga xil saareen maamulka ama gidiga fulinta ee golaha midnimada Soomaaliyeed ee Finland, ayaa waxaa ujeedadiisa ugu weyn ahayd:

•  Sidii ay odayaashu isugu heli lahaayeen fursad nasasho oo ay ku sheekeystaan

•  Is barasho iyo Islaaxa cuqaasha Helsinki iyo agagaarkeeda

•  Xal u helida iyo fikrada cuqaasha ee mashaakilaad haysta bulshadeena degan Finland

•  Baritaan waxa uu yahay golahan midnimada soomaaliyeed ee Finland iyo ujeedooyinkiisaba

Hadaba hadii aan dulmar ku sameeyo qaar ka mid ah wacdiyadii diineed iyo doodihii amaba aqoon isweydaarsigii halkaasi ka dhacay ayey ka mid ahaayeen. Hadii aan ku bilaabo xaga culimada waxaa halkaasi ka hadlay ugu horeyn amaba furitaankii kulankii u horeyey Sheekh Jibriil oo aad wada garaneysaan, kuna booriyey odoyaasha inay waqtigooda qaaliga ah ka faaiideystaan allana xusidiisa badiyaan. Sheekheena kheyr allaha siiyee wuxuu sidoo kale maalintii xigtay soo jeediyey cashar runtii aad qiimo ulahaa oo uu ku xusay meelo fara badan ee xaga alle ka cabsiga, kobcinta iimaanka u taageerida diinteena Islaamka ee xambaarsan macaanka nolosha aduunkan iyo tii dambeysay ee aakhiraba. Wuxuu sidoo kale shiikhu ka bixiyey jawaabo su'aalo odayaashu ay ku wejehan doorka culimada Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah. wuxuuna shiikhu ku jawaabay in culimadu waligeedba ahayd kuwa hogaanka u hayey bulshada waqtiyadeedii beri samaadka, dhibaatada ku habsatay bulshadeenana aysan ka fariisan ee ay wadaan dadaal xoogan sidii ay bulshada ugu horseedi lahaayeen dariiqii saxa ahaa ee anfici lahaa aakhiro iyo aduunkaba. wuxuu taas daliil uga dhigay shiikhu in la sameeyey dalad culimada Soomaaliyeed, taasoo waxqabadkeedu miro dhalin karo markay shacabku garab istaagaan. Ducooyin fara badan ayuuna sheekhu ku soo gabagabeeyey casharkiisa. Waxaa booqasho gaaban ku yimid goobtaasi sidoo kale oo ka soo jeediyey kalmadihii ujeedada safarkiisa ee weynaanta eebe iyo dacwada diintan aadka loogu baahi qabo, Sheekheenii aad wada garaneyseen sidoo kale Sheekh Abdirahman oo ka soo baqoolay (Masjidu-Raxma). sidoo kale ayuu u sheegay goobjoogayaasha inay ka faaiideystaan fursada aan haysano maanta oo ah inuu marti noo yahay Sheekhunaa SHEEKH ABDIRASHIID SHEEKH ALI.

Waxaa sidoo kale ka soo jeediyey labo topic oo aad u saameynayey guud ahaan nolosha qoysaska soomaaliyeed ee degan Finlan. Kuwaasi oo kala ahaa

1: dhibaatooyinka dhalaanka soomaaliyeed ka haysta xaga waxbarashada iyo sababaha kalifay, iyo sidii xal loogu keeni lahaa. Doodaasi oo uu isku soo duba ridey macalin Soomaaliyeed ee wax ka dhiga magaalada Espoo Abdalla dhux, ayaa aad looga dooday, dadweynihii goobjooga ahaana daneynayeen in si buuxda laysaga kaashado arinkaas isaga ah. waayo dhibaatada dhalaanku waa mid sii badaneysa oo ay kaliftey sababo kala gedisan. waxaana arinkaasi si toos ah farta loogu soo fiiqey iney isla kaashadaan wax ka qabashadiisa golaha midnimada soomaaliyeed (SSL:ry), macalimiinta soomaaliyeed, ururada soomaaliyeed ee firfircoon wada shaqeyntuna ka dhaxeyso hay'adaha kala gedisan ee wadankan Finland. Waxaana gebegebadii shirkaasi laysku raacay in loo saaro gudi sare ee ay ku jiraan xubnahaasi matali kara fulinta baahidaasi.

2: Dooda xigtey ayaa iyana waxaa soo jeediyey Said Aden Kaarshe oo isaguna ah aqoon yahan ku xeel dheer arimaha bulshada ama sooshalka. wuxuuna halkaasi ku soo bandhigay shax runtii ay si fiican ugu fahmeen dhageystayaashii qaabka ama dhismaha bulshadan ee Finnishka, iyo midka bulshadeena Soomaliyeed oo aad u kala gedisnaa. waxayna doodu ku salaysneed sidii aan u heli lahayn qaab ay isu dhex geli karaan maadaama ay labaduba leeyihiin posotive iyo negeative marka loo kala eego baahida labad bulsho ee wada nool dhaqan iyo cibaado ahaana kala fog. Fikrado dhowr ahna waa uu soo bandhigey Said, sidoo kalena waxaa laga sameeyey dood fara badan. waxayna gebegabadii noqotay in wacyi gelin lagu sameeyo bulshada, lana fahamsiiyo qaabka ay uga dabaalan karaan systemkan bulshada Finnishka een martida u nahay sameysatay. waxaana arintaasi dabagalkeeda loo xil saaray sidoo kale gudi ay soo magacaabi doonto SSL:ry oo noqon kara mid iyagu keena qaabkii loo wejihi lahaa arintaasi iyaduna muhiimka u ah ku dhex noolaashada bulshada Finishka.

Isku soo wada duuboo dibedbaxaasi wuxuu ahaa mid ay si aad iyo aad ah ugu qanacsanaayeen ka soo qayb galayaashii halkaasi yimid. waxayna soo bandhigeen codsigooda ah in hadii eebe idmo sanadada dambe waqtigu intaa ka dheeraado, taasina waa mid gudiga fulinta ee SSL:ry uu muhiimad gaar ah siin doono dhaqan gelinteeda mustaqbalka INSHA'ALLAH

Ps. sida ku qeexan warbixintan kooban iyo maxsuulka ka soo baxay dibedbixii sanadkan 2004 ayaan codsaneynaa annagoo ah maamulka ama gudiga fulinta ee golaha midnimada soomaaliyeed (SSL:ry), cidii soomaalinimo u daneyneysaa wax ka qabashada arimahaasi, isuna aragta iney wax ka qaban karaan ama iskaashi sameyn karaan, fadlan soo dhowow waa laguu bahan yahay ee la soo xiriir gudoomiyaha ururka SSL:ry Mr. Abdirizaq Hassan Mohamed. Arintan wax ka qabashadeeda goluhu kuma xirayo wax shuruud ah sida xubinimo gole iwm..

 

SALAAM WARAXMATULLAH!

 

BY/ Saed Guled






Wararka
Dhacdooyinka
Cusub
Daabacaada Cusub
Bogga Haweenka
Bogga Dhalinyarada
Bogga
Caruurta
Wararka Maqalka
Tala Soo celin
 



   Bilow   © Golaha Midnimada Somalida