|

Habeenkii dhaqanka Soomaalida iyo Doodii xaalada dhalinyarada Soomaaliyeed ee Helsinki iyo Nawaaaxigeeda Somalikulttuuri-ilta ja keskustelutilaisuus somalinuorten tilanteesta pääkaupunginseudulla (28.10.2006 klo 16.00–22.00)
Ururka golaha midnimada soomaaliyeed ee Finland SSL;ry ayaa waxa uu 28 kii bishii oktoober ee kal hore soo diyaariyey xaflad si heer sare ah ay u soo abaabuleen xubnaha gudiga fulinta ee somaliliitto. Xafladaasi oo ka dhacday xarunta ururka dhalinyarada ee Kanava oo ayaganu door lixaad leh ka qaatey qabanqaabada kulankaasi ayaa ahayd mid aad ay u jecleysteen dhamaan dhalinyaradii iyo dadweynihii kale ee ka soo qayb galay. Waxaa halkaasi laysku weydaarsadey fikrado
fara badan oo ay ka dhasheen runtii suaalo aad u fara badan.
Hadaba hayadihii dawliga ahaa ee ka soo qayb galay kulankaas ayaa
waxaa ka mid ahaa xafiiska ilaaliya
xuquuqda dadka laga tiro badan yahay ee loo yaqaano
”Vähemmistövaltuutettu”. Sarkaal ka
socda hayadaas oo
la yiraahdo
Valtteri Nieminen ayaa isagu ka hadlayey mawdhuuc ku saabsan
Somalinuoret ja UVI:n karkotuspäätökset ja niiden seuraamukset, go’aanka ay dawlada Finland ku doonayso iney ku masaafuriso
dhalinyaro soomaaliyeed ee wadankan lagu soo oogay dambiyo ay galeen. Waxa uu hoosta ka xariiqey inaan waqtigan xaadirka ah aysan suurtogal ahayn in lagu celiyo soomaaliya shaqsi magangalyo wadankan soo weydiistey xaalada soomaaliya oo khatar weyn ay ka jirto darteed. Suaalo fara badan ayaana halkaasi ka dhacay oo
weliba qaarkood aysan qusayn mawdhuuca seminaarka oo ay ahaayeen kuwo caam ah oo hadana quseeya xafiiskaasi iyo hawlihiisa balaaran.
Sidoo kale ayaa waxaa isaguna halkaasi dhalinyarada xaaladooda waqtigan xaadirka ah ka soo jeediyey nin soomaaliyeed oo mudo kusoo dhex jirey hawsha dhalaanka iyo qoysaska dadka ajaanibta ah ee wadankan. Mohamed Moallin oo ka socdey Väastoliitto waaxdeeda loo yaqaan Kotipuu waxa uu isgauna ka hadlay Somalinuorten
yleistilanne Helsingissä ja pääkaupunginseudulla. Si aad ah ayuu Mohamed ugu nuuxnuuxsadey waxa laga doonayo dhalaankeena soomaaliyeed, sidoo kale qaabka ugu wanaagsan ee walidiintu ku caawin karaan dhalaankooda ayadoo laga fogaanayo isku
dhac ka dhex dhasha waalidka iyo dhalaankiis Matti Cantell, oo isaguna ka socdey hayada Allianssi ayaa mawduuciisu ahaa Maahanmuuttajanuorten edellytykset/vaikeudet sopeutua. Waxaana uu halkaasi dhalinyarada ugu soo bandhigey shax ka turjumaysa
sopeutua. Waxaana uu halkaasi dhalinyarada ugu soo bandhigey shax ka turjumaysa 
waxa sababa in dhalaanku la qabsan waayo wadankan,
sidoo kale qaabka ugu wanaagsan ee
is dhexgalku ku imaan karo labada dhinac (soo guuraha iyo martigeliyaha).
Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqey muhiimada in
labaduba is aqbalaan marka hore. Waxaa sidoo kale halkaasi
loogu soo bandhigay dhalinyarada mashruuc ay wado hayada
”Pakolaisapu” ee ku saabsan ku dhiiri gelinta dhalaanka
xirfadaha kala gedisan ee cayaaraha. Maahanmuuttajanuorten harrastusten pariin. Kaasoo looga gol leeyahay in waalidiintu ku dhiiri galiyaan dhalaanku waxa uu ku wanaagsan yahay.
Tusaale hadii ilmuhu uusan ku wanaagsanayn waxbarashada
balse uu illaahay hibo u siiyey isboortiga-waa waajib saaran
waalidku inuu ku dhiiri galiyo isboortigaas uu ilmuhu xiiseeyo
kuna wanaagsan yahay. Hadaba waxaa soo bandhigay
mashruucaas laba gabdhood ayagu ka socdey hayadaas oo
kala ahaa Saidio Dhubow iyo Wisamin.
Intaa ka dib ayaa waxaa loo gudo galay qaybtii xiisaha
badnayd ee ku saabsaneyd suugaanta iyo dhaqanka soomaalida. Waxaa halkaasi goobjoog ku ahaa oo siiyey waqtigoodii qaaliga ahaa odayaal, macalimiin, abwaano soomaaliyeed. Runtii waxay
dhalinyaradu ugu raaxeysteen si wanaagsan oo aad ka dareemi karto hamuumta ay u qabaan dhaqanka wanaagsan ee
dadkooda iyo wadankooda soomaaliyeed. Abwaanka caanka ku ah bulshada reer Finland Ing. Ahmed gabyaa oo isagu maansooyin fara badan halkaasi ka soo jeediyey. Kuwaasoo isugu jirey
xiriirka guubaabo xiriirka wanaagsan ee salka ku haya islaamka ee ka dhexeeya waalidka iyo dhalaankiisa, sidoo kale ayaa Mohamed Aden iyo Mohamed Direa oo ah aaboyaal soomaaliyeed aadna u yaqaan dhaqanka soomaalida, waxa ay aabayaashaasi uga sheekeeyeen dhalinyarada qaabkii wanaagsanaa ee wiilka iyo gabadha soomaaliyeed isu dooni jireen markay is doortaan.
Taasoo aan maanta dareemi karno baahida ay dhalinyaradeenu u qabaan dhaqanka noocaas ah. kaasoo xadidi jirey inta badan in burbur fudud qabsado qoyska ay dhisidiisu iska kaashadeen labo qabiilo ama qoys. Lobo Mohamed waxa ay halkaas dhalinyarada ugu soo bandhigeen qaababkii ay soomaalidu isu guursan jireen, walow ay qaarkood ahaayeen kuwo ka hor imaanaya dhanka
shareecada islaamka, sida gabadh waalidkeed iyo xigtadee lagala baxsanayo ayagoon waxba diidanayn oon shuruudba jirin. Waxay kala ahaayeen noocyadaasi sidan:
1.GABAR LA DOONAY-- guur xarago waa gabar laga doonay waalidkeed si xarago leh loo weydiistay waalidkeed, wiilka gabadha doonayo waxa uu soo wadanayaa odayaal ku waas oo doonaya gabadha una tagaya gabadha reerkeeda markii xoogaa lawada fadhiyo oo kaftan iyo
sheekooyin xurmo leh leys dhaafsado ayey odayadii wiilka gabadha u doonayey waxay weydiisanayaan reerka ay gabadhu ka dhalatay inay siiyaan gabadhooda la yiraahdo HEBLA HEBEL wiilkooda hebel hebel. Halkaas oo marka la heshiiyo wiilku bixiyo waxa soomaalidu u taqaan SOORYO, GABAATI, ama YARAD.
2.GABAR LALA BAXAY—waa mida diiniyan aan banaaneyn sida culimadu sheegtay, oo wiil iyo gabar is raba oo ka baqaya in la isu diido ama dhaqaale aanu wiilku awoodin ama gabadha oo ka baqda in la siiyo nin kale kadibna ay is masaafeystaan. 3.DULGARAAC---waa gabar lagu watay xoog iyadoon cidna la weydiisan.
4.XIGSIIN---waa marka ay nin ka dhimato xaaskiis oo la siiyo gabadha walaasheed taas oo macno looga jeedo yahay inay caruurta walaasheed ay xanaaneyso. 5:DUMAAL---waa gabar ninkii qabay dhintay oo ninka walaalkii guursado.
6.GODOBTIR---waa mid looga dan leeyahay arrimaha nabad gelyada waxayna timaada marka nin lala beegsadey gef ama godob laga qabay la siiyo gabar si looga xaal mariyo arinkaasi. Sidoo
kale ayaa lagu soo bandhigay kuwa ay yihiin xeer ahaan dadka ay soomaalidu tiraahdo waa ”Birimageydo” ama hadaan sidada kale u dhigo xiliyada colaadu jirto kuwa lama taabtaanka ah
oo aan la waxyeelayn. Walow aan sanadahan dambe aragnay in taa lafteeda lagu xadgudbay xag
dhaqan ahaan. Kuwaasina waxay yihiin ayuu yiri abwaan Ahmed;
- Maatada (dumarka, Dhalaanka iyo cuqaasha)
- Culimada diinta dadka bara iyo xirfadlayaasha
- Dadka magan kusoo weydiista
- Ergada qolada colaadu idinka dhaxayso soo dirsato
- Hogaanka beesha sida ugaas, caaqil, suldaan, garaad iwm
- Maxaabiista lagu furto dagaalada
Ruug cadaaga weyn ee isagu sida dhabta ah uga warqaba baahida dhalaanka soomaaliyeed ee
Finland, maadaama uu yahay macalin in mudo ahba kusoo dhex jirey gudoonka waxbarashada
Helsinki Mr.Jama Gabush ayaa isaguna sheekooyin runtii aad uga qosliyey dhamaan dadkii
halkaasi isugu yimid yar iyo weynba ka soo jeediyey.
Kuwaasoo dhamaan salka ku hayey habwanaaga iyo
haasaawaha dhalintii hore ee soomaaliyeed.
Waxaa intaa barbar socdey barnaamij muuqaal video
ah oo dhalinyarada lagu tusayey barisamaadkii iyo
soomaaliya. Wadanka quruxdiisii, burbur la’aantii,
cududdii milateri ee dawladii milateriga ahayd ee siyaad
bare, ilihii wax soosaarka ee beeraha iyo warshadaha, waxbarashadii soomaaliya iyo iskuuladii. Kuwaasoo dhamaantood ay rumaysan waayeen dhalinyaradan in ay soomaaliya saan ahaan jirtey maadaama aysan ayagu arag wax dhaafsiisan burbur iyo dagaal. Isku soo wada duubo barnaamijkaasi wuxuu ahaa mid aad u dhaqan galay loogana faaiideystey. Waxaanan ku talo jirnaa inaan qaybtiisii labaad abaabulno si ay u noqonto mid joogto ah oo aan ku wacyi gelino dhalinyarada soomaaliyeed ee ku barbaarey wadankan...waxaa isku duba ridey
barnaamijkan Saed Guled iyo Mohamed Dirie oo ka socdey ururka Somaliliitto iyo walaalaha ururka Kanava oo runtii aan aad uga mahad celinayno wada shaqeynta wanaagsan iyo niyad furnaanta ay nagula shaqeeyeen...sidoo kale ayaan u mahad celinaynaa hadaanu nahay gudiga fulinta ee soomaaliliitto dhamaan dhalinyaradii iyo dadweynihii kale ee ka soo qeyb galay barnaamijkan. Ugu dambeyntiina odayaashii, macalimiintii, abwaanadii iyo hayadihii dawliga ahaa ee ku wacyi geliyey halkaas dhalinyarada.
 

|