|
Ogaysiis
Golaha Midnimada Soomaaliyeed Ogaysiis
Golaha midnimada soomaaliyeed( Suomeen Somaliliitto ry) waxuu ogaysiinayaa xubnihiisa in xiligii loo qabtay maamulka hadda jira uu gabagabo yahay, sidaa darteed cid allaala ciddii xiisaynaysa inay kamid noqoto golaha dhexe ee cusub ay codsigeeda u soo gudbiso Ssl (somaliliitto@somaliliitto.fi) ugu danbayn 18.03.2010.
Waxaa la gaaray xiligii la bixinlahaa lacagtii xubin nimada ururka(10€ qofkii), ku soo shub akoonka ururka: Nordea 147030-207244 ka hor xilliga loo qabtay codsiga golaha dhexe hadii aad codsanaysid ka midnoqoshada golaha dhexe ee cusub, hadii kale ka hor shirwaynaha guud kaas oo waqtigiisa dib laga soo sheegi doono.
Dhamaan waxaad su’aalo qabtid soo waydii maamulka Ssl.
Gudoomiyaha Ssl
Mahdi
Tel: 0440820081 << Takaisin
|